Aqriso 12-kii qodob ee ay Puntland iyo DFS ku heshiiyeen oo dhammeystiran

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa kala saxiixday heshiis ay ka gaareen khilaaafyadii u dhaxeeyey labada dhinac.

Heshiiska la kala saxiixday ayaa waxa uu ka koobnaa ilaa 12 Qodob oo labada dhinac ay isla qateen kaddib tanasulad badan iyo shirkoo xita ku sigtay in lagu kala tago.

Goobta heshiiska lagu saxiixday oo ah xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Garowe waxaa goob joog ahaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somaliya Nicholas Kay, Ergeyga Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone, Wakiilka IGAD ee Somalia iyo safiirka Itoobiya.

heshiis11

Qodobada lagu heshiiyey oo Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Federaalku warbaahinta u khariyey ayaa kala ahaa sidan:

1-Dastuurka iyo Arimaha Federaalka:

A- Dooda Puntland ee la xiriirta wax-ka-bedelka dastuurka: Dowlada Federaalku waxay garowsatay cabashada Puntland ee ah in dastuurka qabyada ah wax laga bedeley, waxaana lagu heshiiyey in labo gudi oo ka kala socda labada baarlamaan ee federaalka iyo Puntland arintaas ka wada hadlaan xukuumada federaalkuna wadahadalkaas fududeyso.

B- Dhamaystirka iyo Fulinta Dastuurka: Waxaa laysku raacay in la dedejiyo dhamastirka dastuurka iyo fulintiisaba iyadoo loo marayo sida uu qabo cutubka 15aad ee isla dastuurku.

C- Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka Noqonaya Federaalka: labada dhinac waxay isku afgarteen in dhismaha maamul goboleedyada lagu saleeyo sida uu dastuurku qabo, sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ka koobnaado gobolka Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug, waxaa sidoo kale hoosta laga xariiqay in waqooyiga gobolka Mudug yahay qayb kamid ah Puntland.

D- Dhismaha Ciidamo Qaran oo Umadda ka Dhexeeya:  qodobkaas waxaa lagu heshiiyey in loo raaco sida ku xusan heshiiskii Garowe [March 11, 2013]. Heshiiskaas oo ay wada saxiixeen Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon ayaa tibaaxaya dhismaha ciidan qaran oo isu dheelli tiran iskuna dhafan lagana kala keeno dhamaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

2- Heshiisyadii horay loo wada galay: labada dhinac waxay isla qaateen in heshiisyadii horay Puntland iyo Dowlada Federaalku u wada galeen ay waajib tahay in la fuliyo, maadaama heshiisyadii hore hirgeli waayeen waxaa heshiiska maanta la kala saxiixday iyo kuwii horeba fulintooda iyo daba galkooda loo xilsaaray gudi isku dhaf ah.

3- Heshiisyada horumarineed iyo kuwa caalamiga ah: waxaa lagu heshiiyey fududeynta heshiisyada noocaas ah iyadoo loogu dhaqmayo sida ku cad dastuurka qabyada ah qodobkiisa 58-aad.

4- Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah ee Lagu Helo Magaca Soomaaliya: gudiyada labada dhianc waxay isku waafaqeen in si cadaalad ah loo qaybiyo dhammaan noocyada deeqaha magaca Soomaaliya lagu soo helo.

5- Higsiga 2016: maadaama aan weli wadatashi buuxa laga samayn waxa laga yeelayo higsiga sanadka 2016 iyo caqabadaha jira, Puntland iyo Dowlada Federaalku waxay ku heshiiyeen in arintaas si wadajir ah looga tashado qorshe cadna laga yeesho.

6- Hantida Umadda Soomaaliyeed ee Dibada ku Maqan: hantida Soomaaliya dibadda uga maqan wixii kasoo noqda in si cadaalad ah loo qaybsado ayaa laysku afgartay iyadoo jidka loo marayaana noqonayo mid cad oo wax mad madow ahi ku jirin.

7- Aqoonsiga Shahaadada Dugsiga Sare ee Puntland: qodobkan oo kamid ahaa kuwa muranka ugu badani ka dhashay ugu dambeyntii is afgarad ayaa laga gaarey waxaana lagu heshiiyey.

A- In shahaadada dugsiga sare ee Puntland u ekaan doonto shahaadada ay bixiso Wasaraada Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Dowlada Federaalak Soomaaliya.

B- Shahaadada dugsiga sare ee Puntland waxaa ka muuqan doona astaanta qaranka iyo magaca Dowlada Federaalka waxaa sidoo kale ka muuqan doona magaca maamulka Puntland.

C- Dowlada Federaalku waxay u gudbineysaa Dowlada Sudan iyo cidii kale ee loo baahdo qoraal lagu cadaynayo in Puntland qaado imtixaan shahaadi ah oo mideysan kaasoo Dowlada Federaalku aqoonsan tahay.

D- Dowlada Federaalku waxay hadda laga bilaabo aqoonsan tahay shahaadada Puntland ee heshiiskan qaybta ka ah.

8- Isu Dheelli Tirka Jagooyinka Dowlada Federaalku Magacaabayso: labada dhinac waxay isku raaceen in si cadaalad ah loo qaybiyo jagooyinka ay soo magacaabayso Dowlada Federaalku sida: saraakiisha ciidamada, diblumaasiyiinta, gudiyada madaxa banaan iyo shaqaalaha rayidka ah, waxaa sidoo kale laysku waafaqay in haweenka saami fiican la siiyo.

9- Hantida Lakala Haysto: qodobkaas waxaa laysku raacay in loola noqdo heshiiskii biishii March ee sanadkii hore [2013] magaalada Garowe lagu saxiixay, heshiiskaasoo dhigayey in Dowlada Federaalku dedejiso soo celinta hantida layska haysto si loo helo dib u heshiisiin dhab ah iyadoo loo magacaabayo gudi heer qaran ah oo madax banaan go’aanadiisuna yeeshaan awood fulineed.

10- Qaabka wada shaqeynta PL iyo DFS: sida ugu fiican ee labada dhinac isula shaqeyn karaan ayaa laysu waafaqay inay tahay sida ku cad heshiiskii Garowe, heshiiskaasoo qodobkiisa koowaad u qornaa sidan: Kor u Qaadista kalsoonida iyo Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Puntland

A- In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood laysna dhaafsado booqashooyin lana ilaaliyo baratakoolka dawliga ah.

B- In la dhiirigeliyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Dowlada Federaalka iyo Dowlada Puntland.

C- In la dhaqan geliyo dhammaan heshiisyadii dhex maray Puntland iyo dowladihii kumeel gaarka ahaa wixii aan ka hor imaaneynin dastuurka.

D- Ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka federaalka.

E- In la joojiyo lagana hortago wax kasta oo xiriirka labada dhinac wax u dhimi kara wixii tabasho ahna wadahadal lagu xaliyo.

11- Qodobada Aan Ku Jirin Heshiiska ee Puntland Soo Gudbisey:  waxaa lagu heshiiyey in qodobada Puntland soo gudbisey ee aan ku jirin heshiiskan looga wada hadlo kulamada soo socda.

12- Soo Afjarista Khilaafka: heshiiska maanta Garowe lagu kala saxiixday wuxuu soo afjarayaa khilaafkii horay labada dhinac ugu dhex jirey wuxuuna daah furayaa is afgarad iyo iskaashi toos ah oo lagu xaqiijinayo danaha umadda Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka arag warqadaha rasmiga ah ee heshiiska

fas1fas2fas3fas4fas5fas6fas7

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com