Qarax culus oo goordhow ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM xili ay marayeen xaafad ku taalla Degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa Miino lagu weeraray Ciidamada, waxaana la soo warinayaa in Ciidamada la weeraray xili ay dib uga soo laabteen Biyo ay soo dhaansanayeen.

Inta la xaqiijiyay Afar ruux shacab ah ayaa ku dhawacantay, laba kalane wey ku dhinteen qaraxa.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa sababsaday waxyeelada qaraxa iyo rasaas qaraxa kadib ay fureen Ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in wali ay socoto rasaasta ay ridayaan Ciidamada AMISOM, kuwaasi oo laga yaabo in qasaaro lixaad leh ay ka soo gaaran qaraxa maadaama rasaas aan loo meeldayin Ciidamada ay fureen.

Dhanka kale, Qaraxa iyo rasaasta ayaa waxaa badi ku dhamaaday dadka degan xaafada Ruusiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com