Xog: Shariif Xasan & Madoobe oo laba dalab oo yaab badan is-weydaarsay !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Maamulka lixda Gobol , ayaa inoo xaqiijiyay in xiriir qadka teleefonka ah uu dhex maray Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol Madoobe Nuunoow Maxamed iyo Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ka mid ah Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool, islamarkaana taageersan Maamulka Seddexda Gobol.

Labada Mas’uul ayaa la sheegayaa inay kuwada hadleen dhanka Taleefoonka, iyagoona isku soo qaaday qaabka ugu sahlan oo ay ku xalin karaan Khilaafka mudada dheer xalka loo waayay.

Sidoo kale, waxa uu ilo-wareedku sheegayaa in Shariif Xasan uu Madoobe Nuunoow ka dalbaday Tanaasul, hayeeshee Madaxweyne Nuunoow uu isna Shariif Xasan ugu baaqay inuu kusoo biiro Maamulka Lixda Gobol maankiisuna ka saaro tanaasulka.

Shariif xasan ayaa Madoobe Nuunow u sheegay in Ujeedkiisu yahay inuu isku keeno labada garab, balse Shariif ayaa ku gacan-seeray inuu fikirkiisa ka dhaadhiciyo Nuunow.

Afhayeenka Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ayaa sheegay in Madaxweyne Nuunoow uu qaadacay hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa doonaya in uu Madaxweyne ka noqdo Maamulka Saddexda Gobol ee Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ay dhoob dhoobeen, haddii uu si wanaagsan u meel maro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com