Xog ku saabsan dagaal beeleedyada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal xoogan oo mar kale ka dhacay  deegaanada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu yahay mid salka ku haayo muran la xiriira dhul beereed ku yaalla deegaanada dirirta, oo ay beelo isku haystaan.

Mid kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dagaalka uu Khasaaro kasoo gaaray dadka shacabka iyo dhinacyada uu u dhexeeyay, waxa uuna sheegay in Dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 9-ruux, halka 7-kalane uu kasoo gaaray dhaawac.

Dhaawacyada ayaa lagu soo waramayaa in la dhigay Isbitalka weyn ee magalada Beledweyn.

Dhanka kale, Dagaallada ayaa ku soo noqnoqday Deefow iyo Kabxanley iyada oo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer u dirtay wufuud ay u xil saartay xalinta colaadaha, hayeeshe uusan muuqan xal dagaalada halkaasi laga gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com