Miinooyin loo bixiyey “DAMUL-JADIID” oo astaan yaab leh oo Muqdisho yaala

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia kusoo badanaaya Miinooyin ay dadka ugu magac dareen “Damu-Jadiid” oo disha hal ruux.

Miinooyinkaani ayaa waxaa inta badan ay daadsan yihiin goobaha hubka sharci darada ah lagu iibiyo, waxaana la sheegayaa in Miinadaasi ay la timid Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh horayna aan loogu arag Magaalada Muqdisho.

Miinooyinkaani Dam-Jadiidka loo yaqaan ayan wax khasaaro ah gaarsiineynin gaariga ama dadka saaran markii laga reebo shaqsiga kursiga loogu xiray, iyadoona horay loogu dilay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya

Waxaa dadka ka yaabiyey sida miinooyinka uu khasaarahooda ugu kooban yahay kaliya qofka loogu tala-galay, oo aanay dad kale khasaare gaarsiin.

Miinooyinkaani iminka lagu gado suuqyada Hubka lagu iibiyo, ayaa waxa ay kamid yihiin kuwa ay dhawaan sheegtay QM in lagala soo baxay Bakhaarka keydinta hubka ee Villa Somalia, laguna iibiyo suuqyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com