Hargeysa oo laga soo sheegaayo arrin murugo galisay maamulka & bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Maamulka uu walaac xoogan ka muujinayo saameyn uu ku yeesho Cudurka Ebola.

Maamulka Somaliland, gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka ayaa baaqyo u dirtay Xarumaha Caafimaadka iyo shacabka deegaanada Maamulka ka arimiyo ku nool, waxaana loogu baaqay inay feejignaan muujiyaan, kadib markii Hargeysa laga sheegay calaamado muujin kara in Cudurka Ebola soo gaarayoHargeysa, isagoona kaga imaanayo Xadka ay la wadaagan Ethiopia.

Maamulka ayaa ka digeysa in cudurka halista ah ee Ebola si fudud uu kusoo gaaro deeganada Maamulkaasi xilli cudurkaan xoogiisa uu dhibaato xoogan ku haayo galbeedka Afrika.

Sidoo kale, Maxamed Xaaji Cabdi raxmaan oo kamid ah Golaha Guurtida Maamulka Soomaaliland, ayaa bixiyay digniintaan ku aadan halista cudurka Ebola wuxuuna sheegay in Soomaaliland ay u nugushahay in si fudud uu kusoo gaaro Cudurka Ebola.

Waxa uu Tilmaamay in haddii ay dhacdo inuu ka dilaaco Cudurkaasi Deegaanada Somaliland ay suuragal tahay in mar qura ay dadka badi u dhamaadan Cudurkaasi, waxa uuna ka digay in Maamulka Somaliland gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka is dhigato ama ay ka jiifato kaalinta baarista kiisaska Cudurkaasi.

Dhanka kale, Shacabka ku nool Magaalada Hargeysa, ayaa walaac ka muujinaaya halista Cudurka waxa ayna iminka bilaabayaan inay ka feejignaadan Cudurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com