Maxamuud Siyaad Adan oo sheegay in uu ka garab dagaalami doono Hiiraale

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo oo ka hadlaayay duullaanka ay Ciidamada Maamulka Jubba galabnimadii shalay ku qaadeen Xarumaha Ciidamada Barre Hiiraale ee dulleedka Kismaayo.

Waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay isha ka fiirsaneyso dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidamada Maamulka Jubba, waxa uuna intaa kusii daray in Axmed Madoobe uu ka baxay heshiiskii uu la galay Col. Barre Hiiraale.

Waxa uu sheegay Siyaasigaan in dowladda Federaalka Soomaaliya laga rabo qaadashada doorkeeda ku aadan ilaalinta heshiiska Jubbooyinka ku saabsan, wuxuuna sheegay in cidii heshiiska jebisa laga rabo in tallaabo laga qaado.

Waxa uu hadalkiisa ku sheegay in duullaankii shalay ka dhacay dulleedka Kismaayo, gaar ahaan Goobweyn uu ahaa mid lagu daan-daansanaayo Col. Barre Hiiraale, waxa uuna ku goodiyay inay la safan doonaan Ciidamada Barre si ay meel uga soo wada-jeestaan Axmed Madoobe.

Waxa uu maamulka KMG ee Jubba ee Axmed Madoobe ku eedeeyay inay jebiyeen heshiiskii Jubbooyinka, kol hadii buu yiri ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba ay weerar ku qaadeen deegaanka Goobweyn oo ciidamada Barre Hiiraale ay ku sugan yihiin.

Haddalka Siyaasiga ayaa kusoo beegmaayo, iyadoo qoroxdhicii shalay ay Ciidamada Axmed Madoobe duullaan ku qaadeen Deegaanka Goobjoog oo ah Saldhiga weyn ee Ciidamada Barre Hiiraale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com