Guutooyinka AMISOM ee BARAAWE oo la kala wareejinaayo iyo qorshahooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aynu helayno ayaa sheegaya in ciidamo katirsan kuwa midowga Africa gaar ahaan ciidamada Uganda isbadal lagu samayn doono 28 bishan.

Guutada 12-aad ee ciidanka Uganda ayaa lagu badali doonaa guutada 14,oo haatanba hor dhacooda uu bilaawday in ay soo gaaraan Somalia.

Saraakiisha ciidankan ayaa kamida ah sida ay sheegayan ila wareedyo lagu kalsoon yahay waxaana kamida taliyaasha ururada,taliyaasha sirdoonka,taliyaasha gaadiidka,taliyaasha howlgalka,taliyaasha saadka,iyo saraakiil kale.

Ciidamada Uganda kajooga Somalia xiligan ayaa waxa ay ka kooban yihiin 3-guuto oo kala ah guutada 12 oo hada labadalayo iyo 13 iyo guuto layiraahdo +13 oo isuga jira ciidamo horay shaqada uga fariistay iyo ciidamo shaqada laga eryay laakiin dowlada Uganda ay markale u baahatay in ay ka shaqeeyaan Somalia oo dib loogu yeeray.

Ciidamadan labadalayo ayaa la tilmaamay in ay ahaa yeen ciidamadii Amisom ee lawareegay deegaanada Baraawe, Qoryooley, Golweyn, Maryanguwaay, Ambareesa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com