WARAR dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii maanta ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo naga soo gaaraya qarax ka dhacay Isgooyska Afarta darjiin ee waqooyiga magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa gaari lagu xiray walxaha Qarxa.

Sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda Dowlada Federaalka iyo afar qof oo kale oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey qaraxa.

Qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia, waxaana la soo warinayaa in Qaraxaasi uu ku geeriyooday Sargaalka halka Xaaskiisa oo la soctayna ay ku dhaawacantay.

Sargaalka qaraxa loogu xiray gaariga ayaa waxaa lagu magacaaba Maxamuud Axmed Jamaame oo xilligaas qaad ”Jaad”  ka iibsanayay haween qaad goobta ku iibinayey oo iyaga ku geeriyootay Qaraxa.

Dhanka kale, waxaa hakat galay Isku socodka gaadiidka iyo dadka xilli ciidamada dowladda ay goobta soo gaareen. Maamulka Degmada Yaaqshid iyo Saraakiisha Ammaanka degmadaasi ayaan weli ka hadlin Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com