Wasiir heshiiskii ay DFS iyo maamulka PUNTLAND ku tilmaamay sharci darro

Iyadoo shalay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland lagu saxiixay heshiis dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, heshiiskaasi oo ka koobnaa 12-qodob ayaa qodob kamid ah heshiiskaasi waxaa kasoo horjeestay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Mahad Maxamed Salaad, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha dibada iyo Dhiiragelinta Maalgashiga oo isaga ku sugan Gobolka Galgaduud ka hadlay heshiiska dowladda iyo Puntland ay kala saxiixdeen ayaa farta wuxuu ku goday qodob kamid ah qodobada lagu heshiiyay.

Wasiir Mahad wuxuu sharcidaro ku tilmaamay qodobka dhigaayo in maamulka loo dhisaayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu noqdo Gobol iyo bar, taasina wuxuu sheegay inaysan ku oolin Dastuurka Federaalka dalka Soomaaliya.

Sida ku qoran Dastuurka qabyo qoraalka dalka Soomaaliya Qodobka 49-aad farqadiisa koowaad oo ka hadlaysa xuduudaha iyo farqada Shanaad oo ka hadlaysa labo gobol iyo wixii ka badan inay sameysan karaan maamul Goboleed, balse Dastuurka aysan ku qorneyn in Gobol iyo bar ay sameysan karaan maamul Goboleed ayuu usoo daliishaday Wasiir Mahad.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, ayaa wuxuu tilmaamay inuu dhigaayo heshiiskii Muqdisho ay ku saxiixeen dadka Gobolada dhexe kasoo jeeda taariiqda markii ay aheyd 30-July ee sanadkaan in Maamulka loo sameynaayo Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya uu ka koobnaado Mudug iyo Galgaduud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa shalay isla gartay in dhismaha Maamulka KMG ee Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya uu noqdo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug, halka Waqooyiga Gaalkacyo ay ka tirsan tahay Maamulka Puntland oo aan lagu soo dari karin maamulka loo sameynaayo Goboladaasi.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa amuurahaan ku tilmaamay mid lagu raaligelinaayo maamulka Puntland laguna jabiyay Dastuurka dalka u yaalo, maadaama Dastuurka ay ku qoran tahay in labo Gobol iyo wixii ka badan loo aqoonsan karo maamul Goboleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com