Maamulada gobolada dhexe oo si caro leh uga hadlay heshiiskii DF iyo P/land

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Maamullada ka arrimiya gobolada dhexe ee dalka, ayaa waxaa lagu sheegay in Heshiiskii shalay ka dhacay Magaalada Garoowe uu yahay mid waxkama jiraan ah.

Kullan ay si wadajir ah u qabsadeen Maamullada Galmudug, Ximan iyo  Xeeb iyo Ahlusunna Waljamaaca, ayaa waxa ay daboolka uga qaaden in heshiiskaasi uu ahaa mid aan lagu saleyn Dastuurka dalka.

Waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya in ay soo faragaliyaan Heshiiska shalay lagu saxiixday Garawe oo ka hor imaanaya Dastuurka KMG ah ee dalka u yaala, iyagoo sheegay in haddii aan lagu sameyn faragalin uu dastuurku noqon doono ”La jiifshaa banaan la joojiyaa banaan”

Sidoo kale, waxa ay kullankooda ku tilmaameen inuu yahay mid ay ku saxayaan qaladaad ay ku sheegen inuu ka dhacay Ra’isulwasaaraha dalka kaasi oo ay ku sheegen mid lagu qalday qodobada dastuurka.

Madaxweynaha Galmudug State Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Heshiiska ay wada gaareen Dowlada iyo Maamulka Puntiland ,waxa uuna tilmaamay in heshiiskaasi uu ka muuqdo qaladaad badan oo ka hor imaanaya dastuurka KMG ee dalka u yaala.

Cabdi qeybdiid oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Haddii la baal-maray dastuurka Maamul Goboleedyadu waxba uma dhowrsana, waxaa inoo muuqata in Dastuurka laga talaabay oo qancinta Maamulka Puntland lagu burburiyay Dastuurka”

Sidoo kale waxa uu intaa sii raaciyay hadalkiisa ‘’Hadii uu Xaalka sidan kusii socdo oo qolo waliba ay jabiso Dastuurkii KMG ahaa ee lagu heshiiyay waxa uu xaalka noqon doonaa in cid waliba quraceeda hoosteeda ay maamulato ayna meesha ka baxdo wax Dowlad dhaxe”

Dhanka kale, Haddalka kasoo yeeray Maamullada Galmudug, Ximan iyo  Xeeb iyo Ahlusunna Waljamaaca, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo shir u dhexeeyay Xukuumada Somalia iyo Maamulka Puntland uu kusoo idlaaday Magaalada Garoowe, islamarkaana Siyaasiyiinta qaar ay sheegen in heshiiskaasi lala baal-maray Dastuurka laguna jabiyay dhowr qodob.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com