Muqdisho (Caasimasa Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xooggan oo maanta laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxyada oo laba ahaa ayaa midka koowaad waxa uu ka dhacay degmada Yaaqshiid, waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda oo ku sugnaa halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino ay waxyeelo kasoo gaartay ciidamada Nabad Sugidda ee lagu weeraray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir
Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan Waaxda Xalane, waxaana jugtiisa si xooggan looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Ma cadda cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.
Goobaha ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa sidoo kale gaaray ciidamo iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo haatan wada baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kaso baxay laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaas iyo sidoo kale howlgallada xigay.
Weeraradan loo adeegsaday qaraxyada ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay degmooyinka gobolka Banaadir ay ka socdeen ololaha is diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah oo hataan uu ka taagan yahay muran xooggan.
Si kastaba ha ahaatee, qaraxyadan waxaa kale ay kusoo aadeen, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ay caasimada ka caaganeyd qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, kadib qorshe hirgalay oo ay la timid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya