Toronto (Caasimada Online) — Rasaas ayaa waaberigii hore ee saaka oo Talaado ah lagu furay dhismaha Qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Toronto ee dalka Canada, balse ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay falkan, sida ay sheegeen laamaha amniga.
Qoraal ay soo dhigeen barta bulshada ee X (Twitter), ayay booliska Toronto ku sheegeen inay ka falceliyeen warbixinno la xiriira rasaas dhacday abbaare 5:29 subaxnimo (09:29 GMT), halkaas oo ay ka heleen caddeymo muujinaya in hub la riday. Qoraal kale oo ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in aysan ilaa hadda haynin xog la xiriirta cidda falkan ka dambeysay ama qof si gaar ah loogu tuhmayo.
Ra’iisul Wasaaraha Gobolka Ontario, Doug Ford, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa dhacdadan si kulul u cambaareeyay. “Rasaasta saaka aroortii hore lagu furay Qunsuliyadda Mareykanka waa fal gacan-ka-hadal iyo cabsi-gelin ah oo aan marnaba la aqbali karin, kaas oo si toos ah loola beegsaday saaxiibadeenna iyo deriskeenna Mareykanka,” ayuu yiri Ford.
Wuxuu intaas raaciyay inuu ku faraxsan yahay baaritaanka ay wadaan Booliska Toronto, isagoo rajo ka muujiyay in ciidamada ammaanka ee heerarka kala duwan ay isugu geyn doonaan dhammaan awooddooda iyo ilaha ay heli karaan si loo soo qabto dadkii falkan ka dambeeyay.
“Waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo karaankeenna ah si sharciga loo waafajiyo, ciqaabta ugu adagna loo marsiiyo shakhsiyaadka mas’uulka ka ah falkan,” ayuu sii raaciyay Ford.
Booliska ayaa goor sii horreysay sheegay in ciidamadoodu ay ka jawaabeen dhawaqa rasaasta ee laga dhex maqlay bartamaha magaalada Toronto (downtown), gaar ahaan agagaarka xarunta qunsuliyadda. Ma jirin xog rasmi ah oo ku saabsan ujeedka weerarka ama cid lala xiriirinayo.
fhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa telefishinka CBS News u sheegay in xukuumadda Washington ay la socoto dhacdadan, ayna si dhow ula socon doonaan xaaladda iyagoo kaashanaya laamaha fulinta sharciga ee maxalliga ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah.
Weerarkan ayaa dhacaya maalmo un kadib markii laba Sinagog (xarumaha cibaadada Yuhuudda) oo ku yaalla aagga weyn ee Toronto lagu weeraray rasaas xilli habeenimo ah, taas oo keentay in si weyn loo xoojiyo joogitaanka ciidamada booliska ee aaggaas. Booliska ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cid wax ku noqotay weeraradaas, in kasta oo raadad xabbado ah laga helay albaabka hore ee mid ka mid ah xarumahaas.
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa rasaasta lagu furay xarumaha cibaadada ku sifeeyay weerar ka dhan ah xuquuqda Yuhuudda reer Canada ay u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan una cibaadeystaan, isagoo ballanqaaday in dowladdiisu ay si buuxda u difaaci doonto goobaha cibaadada.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga in rasaasta lagu furay xarumaha cibaadada ee Yuhuudda iyo tan lala beegsaday Qunsuliyadda Mareykanka ay yihiin kuwo xiriir leh, iyo in ay salka ku hayaan dagaalka haatan u dhexeeya isbaheysiga Mareykanka-Israa’iil iyo Iiraan.
Telefishinka CTV ee dalka Canada ayaa weriyay in waddooyin dhowr ah loo xiray dhacdadan dartiis, halka Duqa Magaalada Toronto, Olivia Chow, ay xaqiijisay in ciidamo boolis ah oo aad u hubeysan la dhoobay agagaarka qunsuliyadaha Mareykanka iyo Israa’iil ee magaaladaas.
“Saaka waxaa rasaas lagu furay Qunsuliyadda Mareykanka. Tani waxay dabo socotaa rasaas lala beegsaday xarumaha cibaadada Yuhuudda labadii dhammaad-wiig ee lasoo dhaafay. Arrintan marnaba lama aqbali karo,” ayay Chow u sheegtay suxufiyiinta ka hor shir uu lahaa golaha deegaanka ee magaalada.
Waxay tiri “Bulshada Yuhuudda ee Toronto waxay xaq u leeyihiin inay ku dhaqmaan diintooda iyo dhaqankooda, ayna nolol-maalmeedkooda u qaataan cabsi, caga-jugleyn iyo gacan-ka-hadal la’aan.”
Ugu dambeyn, Duqa magaalada ayaa xaqiijisay in boolisku ay wadaan baaritaanno xooggan, xafiiskeeduna uu si buuxda u garab taagan yahay dadaallada lagu soo qabanayo dambiilayaasha si caddaaladda loo horkeeno.

