25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia oo ku geeriyooday dalka Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee, Ra’iisul wasaarhii hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ayaa ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ayaa ku geeriyooday Isbitalka Jaamacadda Minnesota, University of Minnesota Hospital, oo ku xanuunsanaa muddo, sida uu xaqiijiyey wiil uu adeer u yahay, oo lagu magacaabo Cabdi Salaaan Cabdi Gafaar Xaaji Xuseen.

Alle ha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Soomaaliya oo xor ah, wuxuuna xilka hayay intii u dhaxeysay 14-kii June 1964 illaa 15-kii July 1967.

Waxaan alle uga baryeena inuu geeyo janadii Fardowsa, ehelkiisana iyo umadda Soomaaliyeed uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News