Golaha Wasiirada P/L oo la dhaariyay

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa maanta oo Sabti ka dhacday xaflad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee golaha wasiirada maamulka Puntland.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacday xarunta baarlamaanka waxaa ku sugnaa madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cameey, guddoomiyaha baarlamaanka Siciid Xasan Shire iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare Cabdiqaadir Shiikh Axmed Maxamuud..

Xubnaha cusub ee golaha wasiirada cusub ee Puntland
Xubnaha cusub ee golaha wasiirada cusub ee Puntland

Waxaa joogay munaasabada dhammaan xubnaha wasiirada cusub, waxaana markii ay dhammatay ka hadlay goobta madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Wuxuu sheegay in golaha wasiirada maamulkiisa looga baahan yahay in ay la yimaadaan howllo cusub iyo qorshe jaan go’an oo lagu horrumarinaayo Puntland..

Wuxuu kaloo sheegay in xubin kasta oo ku jirra golaha wasiirada cusub loo dhiibay xilkii uu munaasabka ku ahaa, wuxuuna u rajeeyay in ay ka soo bixi doonaan howsha loo idmay.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa wasiirada cusub kala dardaarmay in ay ka firkiraan danta dadka reer Puntland, isagoonta intaas ku daray in la dhowro hantida loo dhiibay.

Si kastaba, xubnaha cusub ee golaha wasiirada cusub ayaa maalmaha soo socda la wareegi doona xafiisyadooda waxaana looga fadhiyaa wax yaabaha ay soo kordhin doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com