DEG DEG: Reysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo is-casilay

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaarihii Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa iska casilay xilkaas,waxaana uu warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay guddiga fulinta ee Xisbiga EPRDF ee dalka Xukuma.

Dibadbaxyo ka dhan ah Dowladda Itoobiya ayaa ka socda Gobollada Amxaarada iyo Oromada,waxaana jirta in dowladda ay dhawaan xabsiga ka siideysay boqolaal Siyaasiyiin iyo dad u xir xiran kacdoonka ka dhanka ah dowladda.

Wargeyska Adisababa Stanadard ayaa baahiyay is casilaadda ra’isalwasaaraha iyada oo aan wali la ogeyn in guddiga fulinta ee Xisbiga talada haya in ay aqbaleen iyo in kale.

Warkan ayaa waxa baahiyay TV-ga dowladda maamusha ee EBC TV.

Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysay mucaarado xooggan iyo rabshado uga imaanayay qowmiyadaha ugu ballaaran dalkaas sida Oromada iyo amxaarada, iyadoo hey’adaha xuquuqda Aadanaha ay ku eedeeyeen xadgudubyo dhinaca bani’aadanimada oo ka dhacay dalkaas.

Sanadkii hore ayaa laga qaaday xukun degdeg ahaa oo bilooyin saarnaa dalkaas iyo xanibaad la saaray qeybo ka mid ah dalkaas oo rabshado ay hareeyeen.

Ma cadda sababta ka dambeysa is casilaaddan deg degga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com