Sawiro: Adeegto eeyo banaanka lala seexiyay oo dayac u dhimatay

Penang (Caasimadda Online) – Haweenay u shaqaynaysay qoys Malesian ah ayaa isbitaalka ku geeriyootay kadib markii sidii la sheegay ay si bini’aadanimada ka baxsan ula dhaqmeen, iyaga oo cunto fiican u diiday, islamarkaasna banaanka la seexiyay eeyaha.

Adeegtadan oo lagu magacaabo Adelina, kana soo jeedda dalka Indonesia ayaa u shaqaynaysay qoys degan Penang, Malesia.

Dhacdadan waxaa BBC-da u xaqiijiyay nin siyaasi ah oo ku jira siyaasada dalkaasi Malesia Steven Sim, kaas oo haweenayda usoo gurmaday.

Waxaa lasoo badbaadiyay 10kii bishan, xiligaas oo la geeyay isbitaal si looga dhayo dhaawacyo aanan la daweynin oo kaga yiilay gacmaha iyo lugaha.

Booliiska ayaa hadda baaraya haweenay 36 jir ah iyo walaalkeed oo ahaa kuwii ay u shaqaynaysay, waxaana lagu tuhmayaa dilka haweenaydan.

Wali si rasmi ah looma shaacin sababta ay u dhimatay Adeline, balse waxaa jira tuhun ah in qaniinyada xayawaanka dhaawacyo ka dhashay oo aanan la daweynin ay u dhimatay.

Waxaa la fahamsanyahay in dhaawacyada oo caabuqay awgeed ay saameeyeen xubnaheeda muhiimka ah ee gudaha, taasna laga yaabo in ay tahay sababta geerida keentay.

Wasiirka arrimaha dibedda Indonesia Retno Marsudi ayaa sheegay in uu doonayo in ay caddaalad hesho Andeline.

Malesia ayaa ah dalka ugu badan ee soo dhoofsada adeegtooyinka qaarada Asia.

Illaa 2.5 milyan qof oo muhaajiriin ka yimid Indonesia oo ka shaqeeya Malesia.

Soogalootiga kale waxa ay ka kala yimaadeen dalalka Myanmar, Philippines, Vietnam, Bangladesh, Laos, Cambodia, Sri Lanka iyo Thailand.

Sharciga shaqaalaha Malesia ee la ansixiyay 1995-tii oo ay ahayd in uu difaaco xuquuqda adeegtooyinka ayaanan u aqoonsanaynin in ay yihiin shaqaale, balse u aqoonsan qaadimiin oo kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com