Eng Yariisoow oo gobalka Banaadir qoondo dheeri ah ka siiyay beesha R/W Kheyre (Aqriso magacyadda iyo xilalka)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad badan waxaa ay aaminsanayeen in Eng Yariisow uu yahay nin loo keenay gobalka inuu danno shaqsi ah fuliyo ee aan loo keenin inuu u adeego dadka gobalka Banaadir si cadaalad ah oo siman, waxaa kaloo meesha ku jirta in Ra’iisul wasaare Kheyre uu ahaa qof kaalin muuqata kulahaa dagaalkii lagu qaaday Taabit Cabdi iyo qorshihii lagu keenay Yariisow.

Durba waxaa soo baxay mid ka mid ah waxyaabihii lagu xamaanayay Eng Yariisow kadib markii uu qoondo dheeri ah siiyay beesha Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ,waxaan idinla wadaageynaa qaar ka mid ah is badalada uu sameeyay Yariisow oo aan xafiiska joogin xitaa hal bil , dhamaan is badalaan waxey u muuqdaan kuwo ka yimid xafiiska Ra’iisul wasaare Xaan Cali Kheyre.

Beesha Murusade waxey heysataa gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobalka Banaadir, gudoomiye Yariisow wuxuu hadda ugu daray Xamdi Cali Nuur oo uu adeer u yahay Ra’iisul wasaare Kheyre taas oo loo magacaabay agaasimaha guud ee qasnadaha lacagta ee gobalka Banaadir.

Sidoo kale Eng Yariisow ayaa agaasimaha guud ee canshuuraha gobalka Banaadir u magacaabay Ayaan oo ah gabar beesha Murusade u dhalatay waxaana xilkaas laga qaaday nin u dhashay beesha Saruur ee Habar Gidir.

Beesha Murusade waxey sidoo kale horey u heysteen Agaasimaha iibka ee gobalka Banaadir, tani waxey ka dhigan tahay iney la wareegeen dhamaan hanaanka dhaqaalaha ee maamulka gobalka Banaadir.

Arintaan waxey abuurtay shaki badan oo ku saabsan awoodda uu Eng Yariisow ku lee yahay maamulka cusub iyo sidda uu cadaalad u sameyn karo, buuq badan ayaa ka dhashay xilalkaan cusub ee halka reer lagu tixay.

Sida ay hadda wax ku socdaan waxey cadeyn u tahay eedeymo loo jeediyay dhowr jeer Ra’iisul wasaare Kheyre oo ah inuu rabo inuu maamulo lacagta soo gasha gobalka Banaadir si uu danno shaqsi ah ugu qabsado waana sababtii ugu weyneed ee uu ula dagaalamay duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Sida sharciga ah maamulka gobalka Banaadir wuxuu toos u hoos tagaa xafiiska madaxweynaha, laakiin waxaa ilaa hadda muuqata fara galinta uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku hayo maamulka gobalka Banaadir taas oo laga yaabo iney xiisad kale abuurto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com