RW C/Weli iyo xubno wasiirada ah oo gaaray xarunta baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa ay gaareen xarunta golaha baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, halkaasoo iminka uu ka socdo kulan ay lee yihiin baarlamaanka oo looga dooddayo qorshaha xukuumadda cusub.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in codka kalsoonida loogu qaado qorshaha xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaaraha, kaddib markii maalintii shaley loo qeybiyay xildhibaannada.

Fadhigga maanta ayaa waxaa ku sugan xildhibaanno kor u dhaafaya 200 oo mudane, qaarkoodna ka soo horjeeda barnaamijka xukuumada iyo xubnaha wasiirada.

Shirka waxaa guddoominaya afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana wariyaasha noo jooga ay lee yihiin, waxaa laga yaabaa in uu qaato waqti badan maadama uu yahay mid xasaasi ah.

Waxaa jirra xildhibaanno fara badan oo doonaya in qorshaha xukuumada cusub la laalo, sidda ay lee yihiin ilo ku sugan xarunta baarlamaanka.

Kalfadhiga maanta ayaa kii ugu dambeeyay ee xildhibaannadu yeeshaan kulankoodoo saddexaad ee baarlamaanka tan iyo markii la yagleelay, waxaana soo afjari doonaa maalinta Arbacada ee berri ah oo 22 tahay bishan Janaayo.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online