Talooyin cajiiba oo laga darsay dugisi qur’aanka oo la siiyey Xasan & C/Weli

Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli ha darsaan Xiriirka ka dhaxeeya iyo wada shaqeeynta macalinka iyo kabiirka dugsiyada Qur’aanka Somalia

Macalinka kabiirkiika waxuu ku soo xushaa Da’diisa iyo siduu u xifdisanyahay Qur’aanka kariimka , xilasnimadiisa iyo deganaantiisa.

Macalinka kolkii hoosha ku badantahay iyo markuu meel u baxaya ayuu kabiirka uuga taktaa dugsiga.

Macalinka kuma hor canaanta kabiirkiisa wax kastoo qalad samaya ardayda hortooda.
Kabiirkana kuma soo warceliaya macalinkiisa hooshuu u dirsadana sida macalinka rabay ayay u dhacdaa.

Macalinka ma samayo in ardayda qaarkood soo dhawaysto mise in uu yiraahda kabiir kuwaaas ha iga taaban iyo wax la mid ah. Kabiirka kaalin muhiim ayuu u haaya maalinka waxayna arday’da yiraahdaan ( macalinoo na kala da kabiirow na kala fasax), Hoshoodu waa mid is kaabeysa.

Hadaba ma garan waayayn madaxda Dalka in ay tusaala ka soo qaataan wada shaqayntaas wacan ka dhaxaysa macalinka iyo kabiirkiisa.

Waxan kula talin lahaa madaxweynaha maadama uu isagoo xur ah , maankisana uu jooga soo xushay R.wazzaraha ,shuruudna la soo galay , welina golle waziiro raali ka yahay madaxweynaha la soo magacaabay, in uu halkaas ku ekaado, iyo in howl maalimeedka gollaha waziirada faraha ka qaada , uuna soo dhawaysan qaar ka mid waziirada.

Ha loo daaya R.wazaraha jeegaraynta, la xisaabtanka waziirada iyo wax kastoo ku saabsan hoowsha xukuumada.

Madaxwayynaha haduu arko dhaliil ha u yeera R.waaarahiisa hana isla goorfayaan xalinta arintaas iyadoo u sii gudbin Gollaha waziirada.

Waziirada waa in aysan shaqadooda iyo waxii qusayaba ku mashquulinin madaxweynaha , balsi shir Khmislaha gollaha waziirada ku soo bandhigaan.

Gollaha waiirada cusub ha ogaadeyn in ay ku soo aaden waqti dalka iyo dadka Soomaliyed uu baahan yihiin in wadanka laga saara dhibaatoyinka ragaadiyay mudda rubcu qarni ah.

Waxaa hor yaalla howla badan uu baahan iskaashi iyo wada shaqayn. Somaliya ha noolaato hana jirto weligayd.

W/Q; Abdullahi Afrah
saliim3@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online