Dhageyso: Tallaabadii Axmed Madobe oo sharci darro lagu qeexay, sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar aha siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka soo horjeestay Caleemo saarka shalay loo sameeyey Maamulka KMG ee jubba iyo Wasiirada Cusub ee uu dhawaan yeeshay.

Xildhibaan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka KMG ee jubba uusan ahayn Maamul sax ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka u yaalla dalka, sababto ah oo buu yiri “Wuxuu buuxin karin shuruudo badan oo u degsan maamulada federaalka, sida ku cad dastuuka dalka Somalia.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sharxay dhowr qodob oo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa aysan buuxin karin, sidaa darteedna waxa uu ugu baaqay beesha Caalamka iney ka fiirsato Mamulka KMG ee jubba.

Halkan ka dhageyso xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

jeesow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com