Xog: Rajooyinka R/W Cabdi Weli oo sii liicaya (Maxaa ka socda Muqdisho?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Maalinta Arbacada soo socota ee berri lagu wado in Xukuumadda Cusub ee RW C/wali ay hortagto Baarlamaanka, ayaa waxaa sii kordhaya Tirada Xildhibaanada kasoo horjeedo in la ansixiyo.

Sidaan horey usoo Qornay, Kulamo ayaa ka soconaya Hoteelada Muqdisho, waxaana yeelanaya Xildhibaanada kasoo horjeedo Xukuumadda, waxaana sii kordhaya Tirada kusoo biiraysa Ololahan socda ee Codka kalsoonida loogu diidaya Golaha Wasiiradda.

Xildhibaanadan is aruursanaya, ayaa sheegaya in si weyn uga soo horjeedaan Wasiiradda lasoo celiyay, oo ay ku eedeeyeen Waxqabad la’aan iyo in ay ku fashilmeen Shaqadii loo doortay.

Tirada ayaa hadda maraysa ku dhowaad 130 Xildhibaan, haddii aysan dhicin in lakala jebiyo, RW C/wali Xukuumadiisa Cusub, waxa ay u muuqanaysaa mid ku Guul daraysan doonto in ay Codka Kalsoonida ka hesho Baarlamaanka Arbaco, 22 January.

Waxaan horey usoo qornay in dadaal xoogan, oo socda Madaxtooyadda Villa Somalia, ee Muqdisho kaasi oo lagu kala jebinayo Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Golaha Wasiiradda Cusub ee dhowaan lasoo magacaabay.

Xukuumadda oo ka kooban 55 Xubnood, ayaa la sheegayaa in 33 kamid ah ay yihiin Xildhibaano ku jiray Baarlamaanka oo lasoo doortay, oo ku yimid Kooxaysi, sida kuwa ‘Damu-Jadiid’, oo Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir ay Madax ka yihiin, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo RW C/wali.

Shalay waxaa dhacay kulan, waxaana Xildhibaanada ay codsadeen in Waraaqaha ay ku qoranyihiin Ajandaha Siyaasadeed ee Xukuumada Cusub in la siiyo Mudo ah Caawa illaa Beri Subixii sy usoo akhriyaan, iyadoo Maalinta Beri ahna ay ka doodi doonaan, waxa ay ka yeeli lahaayeen Golaha Wasiirada Cusub Codka Kalsoonida “HAA ama MAYA”.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhex socda Dagaal Siyaasadeed, oo bilowday markii ay rideen Xukuumadii RW hore ee DFS Cabdi Faarax Shirdoon, kadib markii ay is Khilaafeen Madaxweyne Xasan Sheekh Bishii November ee Sanadkii 2013, waxeyna ku socotaa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh Dariiqi Madaxweyne Cabdullahi Yusuf.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa sida ay ku danbayn doonto Xukuumadda RW C/wali oo Khilaaf la Kowsatay Dhismaheeda.

Isha: KON