Xog: Dam-Jadiid oo darfaha ku dhagan ‘Tarsan’ iyo xaqiiq ku saabsan Tarsan

Qorshaha Xil-ka-qaadista Tarsan bilowday 8 Bilood kahor, hase yeeshee Xukuumada Sooomaaliya ayaa Maalmahaan waxey Xooga saartay sidii Xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Axmed Nur Tarsan.

Xilka qaadista Tarsan ayaa timid kadib markii sida la sheegayo ay isa soo tareen Cabashooyinka ka imaanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada oo noqdo goobo Musuq-maasuq oo Shacabka magaalada Muqdisho “dhiiga looga miirto”.

Warkaan oo aan Bilo kahor soo Qornay ayaa hada noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana Muqdisho ka socota Dhaqdhaqaaq loogu jiro ciddii lagu badali lahaa Tarsan.

Waxaa Duqa Magaalada Muqdisho lagu eedeenayaa in Lacago kumanaan Dollar gaaraya lagu lunsado Xafiisyada Degmooyinka gobolka Banaadr.

Gudomiyayasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa bilaabay inay guryaha Shacabka ku xardhaan rinji gaduudan oo macnihiisu yahay in la jabinayo guryo dhisnaa Sodon Sanno ama ka hor iyagoo ku tilmaamaya inu Gurigaan uu wadada soo galay.

Iyagoo sidoo kalana calaamadaynaya dhismayaal wadooyinka soo galay. Laakin arinka ka yaabiyay shacabka Muqdisho ayaa noqday in labada qolaba ay uga badbaadayaan jabinta guryahooda haddii ay lacago ay isku furanayaan dhiibaan.

Si kaste ha ahaatee, Indheergaradka Soomaaliyeed, Qurbajoogta iyo Shacabka Magaala Madaxda Muqdisho waxey aaminsanyihiin Max’ed Axmed Nur Tarsan in uu yahay Nin Wax badan ka badalay Magaalada Muqdisho, Hormar la taabankaranah kusoo kordhiyay.

Waxey kaloo aaminsanyiin in uu yahay Nin Hal abuur Wanaagsan, aan hagar Aqoon, doonayanah in Gobolka Banaadir uu noqdo Gobol Hormar, Nabad iyo Maamul Wanaag hiigsanaya.

2010 ayaa Tarsan loo magacaabay in uu noqdo Duqa magaalada Muqdisho. Injineerka, ayaa aqbalay xilgudashada hawsha adag ee maarkaas hortiilay, wuxuuna ku shaaqeeyey duruufo qallafsan haba ugu horreyaan ammaan darro iyo xasiloonidarro ee mudadaas Muqddisho ku sugneed.

Wuxuu Injineerka hawshiisa ka billabay Kursi iyo Miis eber ah, taa oo micnaheeda ahayd dhaqaale la’aan iyo qalab la’aan ilaa uu irid walba qaraacay taasoo ugu danbeyntii geyisiisay inuu ku tallabsado horumar dhaxalgal ah.

Tarsan wuxuu hagaajiyey ileyska Waddooyinka waaweyn ee isku xira magaalada qeybaheeda kala duduwan, taasina waxay qeyb weyn ka qaadatay Nabadgelyada iyo isku socodka dadweynaha. Wuxuu kaloo si rasmi ah u bilaabay in Magaalada Muqdisho hesho koronto joogta ah oo 24-ka saac shidan.

Ama hala badalo ama yaan la badalin, Tarsan waa Nin Sumcad weyn ku dhexleh Bulshada Soomaaliyeed. Waa Nin lagu soo doortay aqoontiisa iyo Kartidiisa.Waa Nin aysan soo Xulan Koox Diineedka Dam Jadiid. Dowladdu waa in ay ka fiirsataa in aysan ku Deg-dagin Tarsan badalkiisa oo ay u daneeso Bulshada reer Muqdisho oo u baahan Shaqsi hufan oo suuragalin kara Waxqabad la taaban karo

Isha: KON