Saiwrro Shirka Hogaamiyaasha Africa oo furmay iyo madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulmay + Warbixin

Adis Ababa (Caasimada online) Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisoow ayaa  warbaahinta u sheegay  inuu furmay shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika oo ka socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Shirka ayuu sheegay in looga hadlayo , arimaha Maxkamada Dambiyada Dagaalka ICC oo sida la tilmaamay beegsi ku heysa Hogaamiyaasha dalalka Africa.

Eng Yariisoow, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kahor shirka inta uusan furmin uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, uuna kala hadlay arimaha labada dal iyo ciidanka dalka Jabuuti ee Soomaaliya jooga.

Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamud ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Madaxweyne Ismail Omar Gelle doorkiisa ku aadan arrimaha Soomaaliya iyo sida ciidamada Djibouti ay howlo wanaagsan uga hayaan dalka Soomaaliya oo ay bulshada Soomaaliyeed kalsooni buuxda ka sameysteen.

Afhayeenka oo wax laga weydiiyay waraka sheegaya in Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba inuu Khilaaf xogan Soo kala dhexgalay waxaana uu sheegay in arimahaasi uusan garan karin meesha laga keenay.

Wuxuu tilmaamay inuusan Jirin  wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya maamulka Jubba iyo Dowladda Soomaaliya isla m-markaana ay Been abuur yihiin wararka arintaas ku aadan .

Madaxda Maamulka Jubba ayaa dhowaan iska diiday ka qeyb galka Shir dowlada Soomaaliya ay qorshihiisa kawado magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kaas oo looga hadlayo aayaha Jubbooyinka iyo Gedo

Madaxda Africa ayaa ku shirsan dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Adis ababa,  waxaana laga sugayaa inay soo saaraan go’aan cad oo ku aadan Maxkmada Dambiyada Dagaalka ee ICC-da

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada LABADA Madaxweyne

3 2 1 4 5

Caasimada online

Xafiiska Adis abab

Caasimada@live.com