Somaliland oo u digtay DFS iyo QM

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah u digay dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wasiirka duulista iyo hawada maamulka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay maamulkooda in uu ka soo horjeedo heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo Laanta maamusha hawada ee QM.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskaas uu dhigaayo siddii dowladda Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka hawada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiirka in dowladda Soomaaliya aysan wada maamulin dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in heshiiskaas uu dhaawacayo wahadallada u socda dowladda fedaraalka iyo maamulka Somaliland.

“Waxaan qaadan doonaa tallaabo saameen adag ku yeelaneysa Qaramada Midoobay iyo walaalahayn Soomaaliya ma dhaheyno tallabaada nooc ayey noqoneysa, balse waxaa qaadan doonaa go’aan cad “ ayuu yiri wasiirka duulista iyo hawada maamulka Somaliland.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in wax Soomaali weyn la dhaho aysan jiri doonin , Somalilana ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka wuxuu kaloo digniin u diray Qaramada Midoobayy gaar ahaan wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee arrimaha Somalia. Danjire Nichols Key.

Horey ayaa maamulka Somaliland waxa ay si kumeel gaar ah u hakisay diyaaradiha Qaramada Midoobay ee tagi jiray Hargeysa iyo Burco, balse markii dambe ayaa loo oggolaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com