Safaaradda Turkiga Muqdisho oo dab xooggan uu qabsaday (Faah-Faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa galabta uu dab xooggan qabsaday safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Safaaradda oo ku taalla KM4, waxaa la sheegay in uu dab xooga uu ka dhacay, waxaana sababay baabuur goobta taalay oo dab uu qabsaday.

Afhayeenka booliska Gen Maxamed Yuusuf Madaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan labo baabuur oo gudaha safaaradda ku jiray in uu dabka qabsaday.

Waxaa kaloo uu sheegay  in wax khasaaro ah aan la sheegin.

Markii dabka uu ka kacay gudaha safaaradda waxaa la adkeeyay ammaanka dhismaha safaaradda, waxaana la diidday in ay dadka iyo wariyaasha gudaha u galaan safaaradda.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha uu geestay dabka galabta ka ka cay safaaradda Turkiga Muqdisho.

Waa markii horeysay oo dab uu qabsado safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ka mid ah saafaaradaha caalamka ay ku lee yihiin caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

caaasimada@live.com