DF iyo Maamulka Faroole oo mar kale xilli la fashiliyey heshiisyadii P/L

Wasiirka Khayraadka Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyadii shidaalka ee maamulada Puntland iyo Somaliland la galeen shirkadaha shisheeye .

”Ruqso walba oo maamul goboleedyadu siiyeen shirkadaha shidaalka baara waa waxba kama jiraan wax ka soo qaadna malahan, Shirkadaha shidaalku waa inay kala xaajoodaan Dowladda Federaalka Khayraadka dalka”Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey shir lagu qabtay London kaas oo diirada lagu saarayey khayraadka ku duugan Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu cadeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hawlan tahay qorista Xeerkii Shidaalka iyo wax ka badal ay ku samayso Dastuurka KMG ah qodobadiisa ku saabsan Khayraadka dabiiciga ah .

”Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay gacanta ku haysaa sidii ay u qori lahayd shuruucda Khayraadka dabiiciga ah ee Dalka iyo weliba waxka bedel Dastuurka ee dhanka khayraadka waxaanuna hor dhigi doonaa Baarlamaanka si ay u meel mariyaan si Dowlada Federaalku ay u noqoto tan keliya ee leh awooda khayraadka dabiciiga ah”Ayuu markal yiri wasiirku .

Dhinaca kale Puntland ayaa ku tilmaantay hadalka ka soo yeeray Dowlada Federaalka mid qayru masuulnimo ah aana ka turjumaynin danaha iyo dib u heshiisiinta umada Soomaaliyeed .

”Waxaanu u aragnaa hadalka DF mid qayru masuulnimo ah hadalada noocaas ahina maahan kuwo ka turjumaya danaha umada Soomaaliyeed waana kuwo sii wiiqaya rajadii laga qabay Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh, Xaqna uma lahan inay wax ka bedel ku sameeyaan Dastuurkii Soomaali ku heshiisay ” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Arrimaha Federaalka Puntland Dr. Seyid Maxamed Cabdule Xasan mar uu la hadlayey Warbaahinta.

”Dowlada Puntland waxay sii wadaysaa qorshayaasheeda ku aadan sidii ay uga faa’iideysan lahayd khayraadka ku duugan dhulkeeda waana mid aanu xaq dastuuri ah u leenahay oo aanan cidna marti uga noqon doonin anagoo sii xaqiijinayna heshiiyada aanu kula jirno shirkadaha shidaalka”Ayuu yiri Seyid Maxamed Cabdule Xasan .

Wuxuu xusay in todobaadka soo socda ay magaalada Garowe ku qaban doonaan shir weyne kaas oo diirada lagu saari doono sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka Puntland isagoo meesha ka saaray in hadalada ka soo yeeray Dowlada Federaalku ay dib u dhac ku keeni karaan dadaaladii ay ugu jireen ka faa’iideysiga khayraadka ku duugan deegaanada Puntland.

Dhinaca maamulka Somaliland wax war ah kama soo bixin diidmada iyo laalista ay Dowladda ku sameysay heshiisyada ay galeen maamuladaasi.