32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DEG DEG: Shir uu guddoominayo R/W Saacid oo hadda Muqdisho ka socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda shir uu guddoominaayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon, oo ay lee yihiin golaha wasiirada.

Shirkan si dhab ah looma oga wax yaabaha looga hadlaayo, balse ilo xog xogaal oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in shirka looga hadlaayo arrinta ugubka ah ee soo baxday ee ku aadan khilaafka soo kala dhex galay ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Waxaa loo yeeray Saxaafadda oo loo sheegay in uu la hadli doono Ra’iisal wasaaraha sida uu lee yahay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku wargaliyay xildhibaannada baarlamaanka ee dalka ka maqan in ay si degdeg ah dalka ugu soo laabtaan.

Ma cadd wax yaabaha lagala hadli doono xildhibaannada baarlamaanka balse waxaa magaalada ka billowday tartan xooggan oo loogu jirro mudanayaasha baarlamaanka.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Caasimada Online, oo si gaar ah arrimahan xoogga saareysa in shaa allah

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News