Shirka u dhexeeya DF iyo maamullada oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka furmay shirka u dhexeeya DFS iyo Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Shirka ayaa ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana madasha ku sugan dhammaan Hogaamiyayaasha iyo Xubnihii ku wehlinaayay shirka ee qeybta ka ah wafdiga.

Shirka ayaa waxaa Madaxtooyada Soomaaliya ka furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxa uuna si kooban ugu furfurtay xaalada guud ee dalka iyo Ahmiyada shirka.

Ajandaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kullanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco magaalladda London ee dalka Ingiriiska.

Shirka London Somalia Conference ee bisha May ka furmaya magaalladda London, ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, sida ammaanka, dowlad-wanaaga, arrimaha abaaraha iyo dimuqraadiyada.

Dhinaca kale, waxaa isla daadihin doona Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha Britain waxaana sidoo kale goobjoog ka noqon doona wakiilo Beesha Caalamka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com