SHIRKII BAYDHABA oo la bur-buriyey

Baydhabo (Caasimada Online) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee joogay xarunta ADC-da lagu wargaliyay in ay ka leexdaan odayaasha ku shiraya halkaas ee doonaya in ay sameeyaan maamul cusub oo ka kooba lix gobal.

Mar sii horreysay maanta ayaa ciidamada AMISOM waxa ay diiddeen in la galo xarunta shirka uu ka socdo, waxaana ay odayaasha u sheegeen in wax shir la dhaho uusan ka dhici karin goobta ay waardiyeeyaan oo ah xaruntii Baarlamaanka KMG ahaa ee dowladii AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed sannadkii 2004 ilaa 2007-dii.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in amar lagu siiyay in la xiro xarunta uu shirka ka socodo, loona kala diro odayaasha ku shiraya Baydhabo.

Malaakh Maxamed Deerow oo ka mid ah howlwadeenada shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed ayaa wariyaasha u sheegay in maanta ciidamada AMISOM ay ku dhaaqaaqeen tallaabo fool xun isagoona intaas ku daray in odayaasha ku shirayay xarunta in lagu furay rasaas sidda uu hadalka u dhigay.

Malaakha ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya in uu ka dambeyo is-hortaaga maanta lagu sameeyay odayaasha ku howlan dhismaha maamulka lixda gobal.

Wuxuu sheegay Malaakha in shirka uu soo gaaray heer gabagabo ah oo maanta ay rabeen in qabtaan araaji qabashada ku aadan musharrixiinta doonaya in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay u tartamaan.

Si kastaba, markii arrintaas ay dhacday magaalada Baydhabo waxaa ka billowday bannaanbax looga soo horjeedo tallaabada ay qaadeen ciidamada AMISOM oo xiray xaruntii lagu shiraayay ee ADC-da.

Dadka bannaabaxayay oo u badnaa haween iyo carruur ayaa dhagaxaan ku tuuray ciidamada AMISOM ee joogay goobta uu shirka ka socda, waxaana ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Xaallada magaalada Baydhabo ayaa hadda dagan, waxaana la oggolaaday in odayaasha ay ku shiraan xarunta ADC-da.

Dhinaca kale, Hotel Bakiin oo isna ku yaalla Baydhaba waxaa maalintii shannaad ka socda shir looga arrinsanaayo maamul cusub oo loo sameeyo seddax gobal oo kala ah Shabeellaha Hoose, Baay iyo Baool.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com