DEG DEG: Sh. Xasan Daahir Aweys oo laga sii daayey xabsigii uu ku jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor-dhow oo caawa ah xabsiga kasii daysay Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo muddo lix bilood ah u xirnaa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan odayaasha Beesha Habar-Gidir, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Xasan Daahir Aweys laga saaray xarunta Habar Khadiijo, oo ah xarunta hay’adda nabad suggida qaranka, oo uu muddo ku xirnaa.

Warka wuxuu intaas ku darayaa in Xasan Daahir Aweys loo wareejiyay guri ku yaalla meel aan la shaacin oo ka mid ah magaalada Muqdisho oo xabsi guri ahaan loogu hayn doono.

Odayaal ka tirsan beesha Habargidir, ayaa Xasan Daahir Aweys kasoo kaxeeyay xabsiga, islamarkaana geeyay guriga loogu diyaariyay gudaha Muqdisho.

Waxaa Xasan Daahir guri ku ilaalin doona ciidamo ka tirsan dowladda Somalia, mana cadda qorashayaasha kale ee dowladda Somalia ay ka leedahay.

Wixii warar ah ee arrintan kusoo kordha waan idinla soo socod siin doonna Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com