XOG cusub oo laga helay dagaalkii ka dhacay Sh/Hoose iyo dhimashada oo…

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dagaal maalintii labaad ka socda degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhintay oo u badan dhinacyadii dagaallamay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ay ku jiraan dad rayid ah.

Dagaalka oo uu dhexeeyo ciidamado ka tirsan dowladda ayaa saameen ku yeeshay ganacsigii degmada waxaa kaloo istaagay isku socodka gaadidka iyo dad weynaha.

Wararkii ugu dambeyay waxa ay noo sheegayaan in saraakiil ciidamada dowladda ay kala dhexgaleen labada dhinac walaw mararka qaar la maqlayo rasaas teel-teel ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo goobo isbaaro oo looga qaato dadka rayidka ee la socda baabuurta halkaas adeegsata.

Ciidamada dagaallamay ayaa la sheegay in ay mushaarkooda ka qaataab dhaca iyo isbaarooyinka u yaalla goobaha lagu dagaallamayo.

Dhinaca kale, kooxo ku labisan dharka ciidamada ayaa maanta duhurkii waxa ay dhac u geesteen baabuur Mini Bas ah oo ka soo baxay Suuqaweyn ee Bakaaraha kuna sii jeeda degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada baabuurka dhacay ayaa ka raacay meel ku dhow Afgooye waxaana baabuurka ay ku lee xiyeen waddo qarbo jeex iyagoona dhac u geestay rakaabkii saarnaa baabuurka.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com