Maryam Qasim oo iska ilmeysay markii ballan qaadkeedii uu hirgali waayay

Muqdisho (Caasimada Online) Dr. Maryam Qaasim Axmed oo maanta ka hadleysay xaflad ay xilalkii ay heysay ku wareejienysay lix wasiir ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay yoolkii ay lahayd oo ah in Hal Milyan oo carruur Soomaali ah in aadaan Waxbarasho uu meesha ka baxay.

Wasiirka ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay ballan qaadkii ahaa in ilaa 2016-ka in la helo hal Malyan oo carruur Soomaali ah oo aadaya Iskuulka iyadoo aan wax kharash ah laga qaadeynin maadama xilkii ay heysay laga qaaday.

Waxa ay la dardaarantay wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare in ay sii wadaan ballan qaadkii ay wasiirka sheegtay oo ah in la helo Hal Milyan oo carruur ah oo waxbaranaya ilaa sannadka 2016-ka oo ah xilliga ay ku egtahay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirkii horre ee adeega bulshada ayaa tilmaamay in ay ka baqeyso qorshahaas in uu meesha ka baxo iyadana ay ku guuldareesato ballan qaadkii ay jeedisay in kastoo xilkii wasiirka laga qaaday.

Markii ay hadalkan jeedineysay waa ay ilmeesay, waxaana xustay in ay ka xuntahay ballanqaadka ay u muujisay dhallaanka Soomaaliyeed ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta Waxbarashada balse doonaya in ay wax bartaan.

Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa aaaminsan Dr. Maryam Qaasim in ay wax badan qabtay muddadii ay xilka heysay  waxaana ay ka mid ahayd wasiiradii ugu firfircoonaa ee ka dhex muuqday xukuumadii Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com