Ciidamo kawada tirsan DF SOMALIA oo uu dagaal ka dhex qarxay (Warbixin)

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal u dhexeysa ciidamo ka wadatirsan dowladda Soomaaliya uu ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjooge ku sugan Wanlwaweyn ayaa Caasimada Online u sheegay in maqlayaan hugunka hubka culus oo la isku adeegsanayo, wuxuuna intaas ku daray in uu arkay meydka labo qof oo rayid ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu aad u culus yahay, waxaana uu u dhexeeyaa ciidamo deeganka ah iyo kuwa Millitariga ah oo shaley gaaray halkaas.

Dagaalka oo weli socda ayaa saameyn ku yeeshay howlihii suuqa iyo guud ahaan isku socodka gaadidka iyo dadka ee degmada Wanlaweyn.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo hab qabiil, oo dhowr jeer oo horrey ayaa labadan dhinac ay ku dagaallameen gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com