BANAANBAX ka dhan ah xukuumadda C/Weli Gaas oo ka dhacay Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax maanta barqadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Bannaanbax ayaa ka dambeeyay markii dad careesan ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Boosaaso waxaana ay diiddanaayeen xubno ka mid ah golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Dadka bannaanbaxayay ayaa waxaa rasaas ku furay ciidamada ammaanka waxaana la sheegay in uu ku dhintay hal qof sidda ay lee yihiin goobjoogayaal ku sugan Boosaaso oo u warramay Caasimada Online.

Dadka bannaababaxayay ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin doone in ay diiddan yihiin golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Cabdiweli Cali Maxamed Gaas.

Waxa ay madaxweyne Gaas ay ku eedeeyeen in uu ka tagay qaar ka mid ah gobalada Puntland markii uu soo dhisayay golahaa wasiiradiisa, waxaana gobalada laga qadiyay wasiirada ka mid ah ayey yiraahdeen Bari iyo Kardafuur.

Ma jirto cid ka hadashay shaqaaqada ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland,taasoo ka dhalatay dad careesan oo diiddan xubnaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland oo ka kooban 47-xubnood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoow

Caasimada@live.com