Qoyskii uu ka dhintay nin AMISOM ay ku dishay Muqdisho oo war soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) Qoyska uu ka dhintay nin ay shaley AMISOM ku dishay magaaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta oo Arbaca ah ay kulan la lee yihiin saraakiisha ciidamada AMISOM si looga siiyo magdhow wiilkooda.

Suldaan Axmed oo adeer u ah marxuum Salaax Axmed Nuur oo 41-jir ah kuna dhintay shil baabuur oo uu kulug lahaa mid ka mid ah gawaarida AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in AMISOM ay ka doonayaan in diyo k asiiyaan wiilkooda ama loo qisaaso askarigii watay baabuurka jiiray marxuumka.

Meydka muwaadin Soomaali ah oo maanta Ciidamada AMISOM ay baabuur ku jireen Muqdisho
Meydka muwaadin Soomaali ah oo maanta Ciidamada AMISOM ay baabuur ku jireen Muqdisho

“Saakay waxaan la ballansanahay saraakiisha ciidamada AMISOM, si ay magdhow uga bixiyaan geerida wiilkeena, waxaan ka rabnaa diyo 100 halaad ama in ay noo qisaasaan askariga waday baabuurka dilay marxuumka oo ka tagay toddobo carruur ah” ayuu yiri Suldaanka.

Wuxuu xusay in wiilkooda si qalad ah loo dilay oo aaney tacsi uun ka yeeli doonin ciidamada AMISOM sidda uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Taraafikada waddooyinka ayaa gacanta ku dhigay baabuurkii jiray muwaadinka Soomaaliyeed waxaana ay wadaan baaritaan ku aadan siddii lagu ogaan lahaa sababta keentay in maalin cad uu baabuur si bareer ah waddooyinka Muqdisho ugu dilo qof Soomaali ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com