Odayaal carreysan oo Xasan Sheikh ku eedeeyey inuu maamul u diidan yahay

Baydhab0 (Caasimada Online) –  Odayaasha ku howllan dhismaha maamul u sameenta lix gob oo ku yaalla Koonfur Galbeed ee dalka ayaa dhaleeceeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka.

Malaakh Deerow oo ka mid ah howlwadeenada shirka Baaydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in madaxweynaha iyo xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku howlan yihiin duminta shirka loo sameenaayo maamulka cusub.

Wuxuu tilmaamay haddii uu burburo shirka maamul u sameynta lixd gobal in uu mas’uu ka noqon doono madaxweyne Xasan Sheekh sidda uu hadalka u dhigay.

Malaakha ayaa caddeeyay in madaxweynaha uu la kulmay xildhibaanno ka soo jeeda Gobalka Baay kuwaasoo uu kala hadlay in shirka Baaydhabo lagu soo koobo uun seddax gobal “Arrintaas ma soconeyso wax kasta waxaa laga horrumarinayaa danta shacabka deggan gobaladan” ayuuu yiri.

Si kastaba, hadalka Malaakh Deerow ayaa ku soo aadaya iyadoo labo cisho ka hor magaalada Baydhabo uu ka furmay shir kale oo maamul loogu sameenaayo seddaxda gobal ee kala ah Baydhab, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Casimada@live.com