Somaliland oo ogolaatay in madaxda DF ay tegi karaan HARGEYSA + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dagi karaan magaalada Hargeysa, si ay uga qeyb-galaan aaska qaran ee loo sameynayo Abwaanka Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ruqsad iyo ogolaansho la siin doono madaxda rabta inay ka qeyb-galaan aaska, kadib marka ay dalab usoo gudbiyaan xukuumadda Somaliland.

“Ciddii Somaliland ee dowladda soo weydiisata ee u imanaysa aaska Hadraawi waxa siineyna ruqsad oo waa soo dhaweynayna,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.

Somaliland ayaa hore u diiday in madaxda dowladda federaaalka Soomaaliya ay yimaadaan deegaanadeeda, hase yeeshe go’aanka ay maanta qaadatay xukuumadda Somaliland ayaa ah mid bogaadin mudan, maadama uu Hadraawi ahaa muunad iyo astaan Soomaalinimo.

Allaha u naxariistee Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, wuxuuna u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa geerida Abwaanka uga tacsiyadeeyay ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga, ayada oo sidoo kale ka tacsiyeeyen madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Abwaanka.