Jakarta (Caasimada Online) – Dowladdaha Soomaaliya iyo Indonesia ayaa maanta heshiis visa-la’aan ah ku kala saxiixday baasaboorada diblomaasiga iyo kan shaqaalaha dowladda.
Saxiixa heshiiskan ayaa dhacay kadib kulan rasmi ah oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Indonesia ku dhex-maray magaalada Jakarta ee dalkaasi.
Kulanka waxaa lagu xoojiyay xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, beeraha, caafimaadka, kalluumaysiga, iyo arrimaha badda.
Indonesia waxay ballan-qaaday taageero farsamo iyo deeqo waxbarasho, iyadoo Soomaaliya lagu dhiirrigeliyay ka qeybgalka barnaamijyada KNB, Darmasiswa iyo TIAS.
Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay doorkooda dhexdhexaadnimo iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyagoo ku boorrinaya iskaashi dheeraad ah oo ku saleysan qiyamka Islaamka.
Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ansixiyey in dalalka Soomaaliya iyo Indonesia ay iska dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblomaasiga iyo shaqada.
Waa tallaabo cusub oo lagu fududeynayo arrimaha socdaalka ee labada dal ee Soomaaliya iyo Indonesia. Ujeeddada heshiiskan waa in la xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed, la dardargeliyo iskaashiga labada dal iyo in la fududeeyo socdaalka rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda iyo diblumaasiyiinta.