Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo sannadkii 1991-kii kaga dhawaaqday madax-bannaanideeda Soomaaliya inteeda kale, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Maraykanka u bandhigto saldhig milatari oo ku yaalla meel muhiim u ah Badda Cas iyo heshiisyo dhinaca macdanaha istaraatiijiga ah, taas oo qayb ka ah dadaalkeeda ay ku doonayso in loo aqoonsado dal madax-bannaan.
In kasta oo Maraykanku uu hadda aqoonsan yahay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, haddana madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa olole ka wada Washington si uu taageero uga helo dadaalka gobolka gooni-u-goosadka ah uu ugu jiro aqoonsi — isaga oo qayb ka ah loolan ballaaran oo loogu jiro dareenka Donald Trump, xilli Maraykanku uu Shiinaha kula tartamayo kheyraadka istaraatiijiga ah ee Afrika.
Cirro, oo xukunka gobolkan gooni-u-goosadka ah ee Geeska Afrika qabtay sannadkii 2024, ayaa sheegay in wada-hadallo uu la yeeshay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Difaaca (Department of Defense) ay ujeedadoodu tahay in la gaaro iskaashi cusub oo ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha, amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada.
“Waxaan ka wada hadalnay hababka iyo waddooyinka aan isaga kaashan karno amniga, ganacsiga, iyo xasilloonida gobolka,” ayuu madaxweynuhu ku yiri wareysi uu siiyey Bloomberg, isaga oo xusay in safiirka Maraykanka ee Soomaaliya uu booqday Somaliland dhowr jeer bilihii la soo dhaafay, halka saraakiil ka tirsan wasaaradda difaacana ay tageen gobolkiisa bishii Diseembar.
Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo la xiriiray arrintan.
Somaliland way ku guul-darraysatay inay hesho aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay madax-bannaanida ku dhawaaqday. Laakiin, halka Soomaaliya ay la daalaa-dhacaysay soddon sano oo dagaal sokeeye ah iyo kacdoon mintidiin Islaami ah oo salka ku haya, gobolkan gooni-u-go’ay wuxuu ahaa mid nabdoon inta badan.
Aqoonsiga Somaliland oo ku taalla goob istaraatiiji ah waxay xoojin kartaa saameynta Mareykanka ee gobol muhiimad sii kordheysa leh, halkaas oo fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee Yemen ay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israel, Maraykanka, iyo dalalka kale ee taageersan dagaalka Gaza. Imaaraatka Carabta, oo ah xulufo dhow oo Maraykanka ah, ayaa horay u maamulayay dekedda Berbera ee Somaliland wuxuuna gacanta ku hayaa garoon diyaaradeed oo u dhow oo ay adeegsadaan diyaaradaha milatariga.
Maraykanku wuxuu sidoo kale ku qasbanaan lahaa inuu ka fikiro waxa uu aqoonsiga Somaliland uga dhigan yahay iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhexeeya Soomaaliya, halkaas oo uu kaalin weyn ka qaatay caawinta dowladda ee la dagaallanka kooxaha la xiriira Daacish iyo Al-Qaacida. Ku-xigeenka madaxa Taliska Afrika (Africa Command), John Brennan, ayaa sheegay in la dagaallanka kooxaha argagixisada uu yahay “dadaalkooda ugu weyn,” gaar ahaan bariga Afrika.
“Waa halka ay dadkeenna intooda badan joogaan,” ayuu weriyeyaasha u sheegay Isniintii. “Waa maalgashiga ugu weyn ee aan hayno.”
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in kasta oo Safiirka Maraykanka Richard Riley iyo mas’uuliyiin kale ay la kulmeen madaxweynaha iyo saraakiil kale oo Somaliland ah si ay uga wada hadlaan danaha guud ee gobolka Geeska Afrika, haddana Wasaaraddu aysan wada-hadallo toos ah kula jirin wakiillada Somaliland oo ku saabsan heshiis lagu aqoonsanayo Somaliland.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Maraykanku uu aqoonsan yahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ay Somaliland ka mid tahay, iyadoo ku celisay mowqifka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya.
“Siyaasadda rasmiga ah ee Maraykanka, oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, waa aqoonsiga ‘Hal Soomaali’ oo taageeraysa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya oo ah hal dawlad oo aan la kala qaybin karin,” ayuu yiri wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo Talaadadii khadka taleefanka ugu warramay Bloomberg.
Cirro wuxuu sheegay in inkastoo aqoonsiga dawladnimo uu weli yahay yool, haddana waddada lagu gaari karo ay ugu horreyn ku xiran tahay la falgalka beesha caalamka ee dhinacyada amniga, ganacsiga, la-dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, iyo tahriibka sharci-darrada ah.
“Haddii Maraykanku uu danaynayo inuu yimaado Somaliland, si weyn ayaa loogu soo dhoweynayaa,” ayuu yiri Cirro, isagoo intaa ku daray inuu diyaar u yahay inuu Maraykanka u bandhigo heshiis macdanta muhiimka ah sida lithium-ka.
Somaliland hadda ma soo saarto lithium, inkastoo ay horay shati u siisay shirkadda fadhigeedu yahay Sacuudi Carabiya ee Kilomass Co. si ay u sahamiso kaydka macdantaas, sida ay warbaahinta Somaliland Chronicle baahisay Juun 2024.
Gobolku wuxuu sidoo kale leeyahay kaydka macdanta daasadda, dhagxaan qaali ah iyo macdano warshadeed oo ay ku jiraan gypsum, agabka sibidhka iyo dahabka, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday African Mining bishii Juun 2023.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inuu filayo inuu booqasho ku tago Maraykanka, isla markaana in heshiisyada cusub ee loo bandhigayo Washington aysan “shuruud ku xirnayn” in Trump uu si rasmi ah u aqoonsado gobolka gooni-u-go’ay.
Mar la weydiiyay suurtagalnimada saldhig milatari oo Maraykanku ka samaysto Somaliland, wuxuu yiri: “Weli waxaan ka wada xaajoonaynaa arrimo. Waxaan rajaynaynaa in wada-hadalkaas uu miro-dhalo mustaqbalka.”
Marka laga hadlayo xiriirka Soomaaliya, Cirro wuxuu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay isku dayo ay dhowaan Muqdisho ku doonaysay inay maamul barbar-socda ka dhisto gudaha Somaliland.
“Soomaaliya ma wada hadli karto mana la yeelan karto wada-xaajood Somaliland iyadoo goynaysa qaybo ka mid ah Somaliland oo samaynaysa maamul gooni ah,” ayuu yiri. “Waxaan nahay qaran nabadda jecel, laakiin Somaliland waxay awood u leedahay inay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.”

