29.4 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrinta Gedo, kuna dhawaaqay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii toddobaadlaha uga hadlay xaaladda ka taagan gobolka Gedo, oo si weyn isku hayaan maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Golaha ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo.

Sidoo kale, golaha ayaa ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, iyagoo shaaciyay in hadda ay shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegyadda.

Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran.

Golaha ayaa tilmaamay in cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda la wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo maalmihii dambe uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada taabacsan Axmed Madoobe iyo kuwa uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, Taliyaha NISA ee Jubbaland.

Ciidamadan ayaa hadda gacanta ku haya xaruntii degmada, saldhigga booliska iyo xarumo kale oo muhiim ah, kuwaas oo haatan dowladda federaalka sheegtay in ay diyaar ku yihiin adeegyadii dowliga ahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News