Daawo: SSC-Khaatumo iyo Puntland oo kala baxay

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo oo maanta shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo saaray go’aanno ka dhan ah dowlad goboleedka Puntland oo haatan galeysa doorasho.

Isimada ayaa soo saaray go’aanno culus oo ay ku shaaciyeen inay uga baxeen Puntland, maadaama ay dhisteen maamul gooni ah oo madax bannaan.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qayb-geli doonin doorashada ka dhaceysa Puntland, iyagoo sheegay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahaayeen.

“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa, waxaan kale oo aan goosanay in aysan jirin kuwo joogo oo la cusbooneysiinayo, taas oo micnaheedu noqoneyso wax reer Khaatumo ah oo xildhibaano ah oo ka qayb-galayaa doorashada Puntland bataatan inayna jirin” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan u tartami doonin xilka madaxweyne ku ixgeenka maamul goboleedka Puntland oo ay horay u lahayd Beesha Dhulbahante, haddana uu ku metalayay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ah siyaasi kasoo jeeda SSC-Khaatumo.

“Qodobka labaad wuxuu yahay in aa la’isku sharrixi karin xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ama madaxweyne u dhashay reer Khaatumo inuusan iska sharixi karin xilligan Puntland” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka ay soo saareen isimada SSC-Khaatumo.

Waxaa kale oo lagu yiri bayqaanka “Guddiga xallinta khilaafaadka waxaa ku jira laba qof oo reer Khaatumo ah waxaan caddeyneynaa inaynan metalin reer Khaatumo, isla markaana waxaa ka codsaneynaa inay is casilaan”.

Ugu dambeyn waxay isimadu baaq u direen Puntland iyo shacabkeeda, iyaga oo u rajeeyay nabad iyo doorasho wanaagsan

“Walaalaha reer Puntland waxaan ugu baaqeynaa nabad-gelyo, wanaag iyo doorasho wanaagsan” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.