Taliyaha Booliska Jabuuti iyo saraakiil sare oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Jabuuti Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Taliyaha iyo wafdiga saraakiisha ah ee uu hoggaaminayo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde masuuliyiin ka tirsan dowladda, oo ugu horreeyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska General Cismaan Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil kale.

Safarka Taliyaha ayaa sheegay in uu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda weyn ee 80 sano guurada aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta Berrito ah 20 December.

Wafdiga taliyaha ayaa loo galbiyey xarunta Taliska ee Komaanda Boliisiya, si halkaas uu ugu qaabilo Taliyaha Ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin.

20-ka December ayaa ah astaan kamid ah maalmaha qaran ee loo dabbaal-dego xusuusta dhaxal-galka ah ee umadda, gaar ahaan aas-aaska ciidamada booliska oo kamid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan boolis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn, islamarkaana lagama maarmaan u ah aas-aaska dhismaha dowladd Soomaaliyeed oo wax la wadaagta waddamada caalamka.