Khilaafkii doorashooyinka PUNTLAND oo heshiis laga gaaray (Aqriso qodobada)

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash iyo Gudddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa heshiis ka gaaray Khilaafkii arrimaha doorashada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saddexda mas’uul ka heshiiyeen murankii ka taagnaa arrinta doorashada 2024.

Madaxda ayaa ku heshiiyay in Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:

Shir ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa looga hadlay Doorashada Puntland. 

Madaxda ayaa ku heshiiyey qodobada soo socda: 

1- In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

2- In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023. 

Dhinaca kale, heshiiska kadib ayaa madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka, ayaa kulan la qaatay Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Golaha wakiillada Dowladda Puntland. 

Madaxda ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyadoo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66-da xildhibaan hore ugu iman jireen, kaasi oo cuqaasha iyo Isimadu soo gudbiyaan xubnaha ku metelaya Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Waxayna guddiga u rajeeyeen in Allah u fududeeyo masuuliyadda saaran.