DENI oo war kasoo saaray geerida ku timid musharax Cabdicasiis Af-guduud

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntaland, Saciid Cabdullaahi Deni oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Af-guduud) oo kamid ahaa musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha ee maamulkaasi.

Marxuumka ayaa maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee maamul goboleedka Puntland.

Deni ayaa tacsi u diray ehallada marxuumka iyo dadkii kale ee ku dhintay shilkaasi baabuur, isaga oo kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Allah ha u naxariisto walaal Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Af-guduud), oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka qeybgalaya Doorashada Puntland, waa geeri naxdin leh, isaga iyo dadka kale ee Shilka Gaari ku geeriyooday Allah janadii ha geeyo, intii ku dhaawacantayna Allah ha u boogga dhayo aamiin” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray madaxweyne Deni.

Xilliga uu shilka galayay Marxuum Cabdicasiis Af-gaduud ayaa la socday gaari Land Cruiser oo xawaare saa’id ah ku socday, kaas oo kula rogmaday deegaanka Qayaadsame ee Bari.

Musharaxa iyo taageerayaal badan oo la socday ayaa ku wajahnaa magaalada Qardho, halkaasi oo looga diyaar garoobayay soo dhawayn in loogu sameeyo.

Allaha u naxariiste, marxuumka ayaa maalmo kahor kasoo dagay magaalada Boosaaso, halkaasi oo uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Suldaan Afguduud ayaa markaas sheegay inuu isku soo taagay sidii uu maamulka isbeddel dhab ah uga hirgalin lahaa, balse waxaa kasoo hormartay qadarta rabbi.

Markii laga tago inuu ahaa musharax madaxweyne, sidoo kale wuxuu ahaa caaqil kamid ahaa dadkii kasoo qeyb qaatay dhismihii maamulka Puntland.