Huruuse ma waxaa wadata Villa Somalia oo dhiseysa mise?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa shalay ku dhowaaqay inuu is-casilay, sababo la xiriira musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland.

Huruuse ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, uuna hadda kadib diiradda saari doono ololihiisa doorashada Puntland, si uu ugu helo waqti, una galo diyaar ku aadan doorashadaasi.

Puntland ayaa aadeysa doorasho guud. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markale u tartamaya xukunka, siyaasiyiinta uu aadka uga didsaneyn ayuu kamid yahay Huruuse.

Inkasta oo ay jiraan dad Huruuse ku xiraya dowladda dhexe, haddana waxaa jira xogo sheegaya in ra’iisul wasaare Xamza iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ay mar hore kaarkooda Puntland saarteen musharax kale, taas oo Abshir Huruuse ka dhigeysa nin isagu garabka isku sida.

Laakiin weli booska madaxweyne Xasan Sheekh ma cadda.

Doorashadii Puntland ee 2019-kii madaxda dowladda federaalka ah ee xilligaa xilka hayay ayaa hal musharax kaarkooda saartay, kaasi oo ku haray wareegii koowaad ee doorashada.

Balse hadda waxaa loo badinaya inay Villa Somalia cilaaqaad wanaagsan la leedahay inta badan musharaxiinta raadineysa kursiga madaxtinimada Puntland.

Waxaa jira dad aaminsan in Huruuse u wacnaan laheyn inuu booskiisa arrimaha dibadda uu sii joogo oo uu u dhakado kursiga ra’iisul wasaaraha, maadaama xilli walba wax isbeddeli karaan, haddana sida muuqata waxa uu dookhday inuu tijaabiyo calaf siyaasadeedkiisa.

Ninkan ayaa dhinaca kale ka tirsan urur siyaasadeedka Puntland ka dhisan ee la yiraahdo Mideeye, kaasi oo uu hoggaamiyo Asad Diyaano. Ururku laba musharax ma wada dhisi karo, tarahana waxaa markaan laga leeyahay Garoowe oo uu Abshir kasoo jeedo mana hayno illaa iyo hadda war sheegaya in ururka Mideeye ay ku qanceen inay dhistaan Huruuse oo ay xoogeeda iskugu geeyaan musharaxaas.

Fursada Abshir Huruuse aad uma xoog badna xilligaan, laakiin doorashada Puntland maadaama ay Xildhibaannada aad u kooban yihiin wax walba ayaa macquul ka ah.

Huruuse waa mid kamid ah xubnaha ugu jeebka buuran dadka raadinaya kursiga madaxtinimada Puntland.

Xiriirka kala dhaxeeya kooxda Saciid Deni oo aan xumeyn, taraha ay Puntland ku dhaqmeyso waqtiga fog oo markaan maraya reerkiisa, saaxiibadiisa Mideeye iyo diiwaankiisa shaqo ee dowladda federaalka ah ayaa Huruuse ka dhigaya mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Puntland ee mudan in laga waramo.