Dowladda Mareykanka oo wajahaysa cadaadis weyn oo la xiriira Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa waxaa lagu cadaadinaya in uu wax ka beddel ku sameeyo duqeymaha cirka ee uu ka geysto gudaha Soomaaliya, kadib kororka khasaaraha rayidka ah.

In ka badan 20 hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga kamid ah ayaa ka dalbaday wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibanayaasha duqeymaha cirka ee Soomaaliya.

Hay’addahan ayaa weydiistay wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka in ay il gaar ah ku eegto codsiyada qoysaska ehelladooda lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Maraykanka uu ka geysto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay hay’addahan xuseen in saraakiisha Mareykanka ay iska indho tireen baaqa kasoo yeeray dhibanayaasha duqeymaha Mareykanka.

Warqad loo diray Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa waxaa lagu muujiyay kiisas badan oo waxyeelo rayid ah, kuwaasi oo ka dhacay Soomaaliya, oo ay xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Kiisaskan ayaa ka kooban dhibanayaasha rayidka ah, kuwa badbaaday iyo qoysaskooda aysan wali helin jawaabo la taaban karo.

Warqadda ayaa muujineysa dhibanayaal ay kamid tahay Luul Daahir Maxamed, oo ahayd 22-jir Soomaali ah oo lala dilay gabadheeda Maryan Shilow Muuse oo 4-jir ahayd, kaddib markii bishii April ee 2018-kii uu Mareykanku duqayn ka geystay magaaalada Ceel-buur.

Luul walaalkeed Abuubakar Daahir ayaa sheegay in dhibanayaasha qoyskiisu ahaayeen dad rayid ah, haddana milatariga Mareykanka aysan weli reerkiisa siinin wax jawaab ah oo ay ku qanci karaan .

“In ka badan 5 sano ayaa laga joogaa tan iyo markii ay dhacday duqayntaas, laakiin ma aanan awoodin inaan helno cadaalad. Mareykanku xitaa ma uusan aqoonsan jiritaankeenna,” ayuu Abuubakar Daahir ku yiri warbixin wargeyska The Continent.

Sidoo kale waxaa lagu xusay warqadda in wasaaradda difaaca ay gacanta ku hayso saddex milyan oo doollar oo maaliyad sannadle ah oo uu bixiyo Koongareeska Mareykanka.

Lacagtan ayaa la sheegay in loogu tal-galay si loogu abaal-mariyo dhibbanayaasha rayidka ah iyo kuwa ka badbaaday howl-gallada Mareykanka.

Pentagon-ka ayaa sannadkii hore shaaciyay qorshe howleedka ka-hortagga iyo ka-jawaabista dhibaatada rayidka, oo ay ku jiraan ballan-qaadyo lagu horumarinayo maaraynta xogta iyo kor u qaadida awoodda milatari, balse taasi waxba kama tarin waxyeellada rayidka ee ay geystaan weerarrada Mareykanka.

Si kastaba, Duqeymaha Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar uu galaafta nolosha rayid badan oo Soomaali ah, iyada oo weli maamulka Biden uu si aamusnaan ah u sii wado waxa loogu yeero la-dagaalanka argagaxisada.