DF oo eedeymo yaab leh ku soo oogtay gabar caan ka ah baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay la hor geeyey gabar caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, taas oo lagu magacaabo Bishaaro Idiris.

Gabadhaan ayaa caan ku ah magaca Bishaaro Balaayo, waxaana loo heystaa muuqaalo anshax-xumo ah oo barteeda TikTok ay ku baahisay.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaran oo war ka soo saaray kiiska gabadhaas ayaa shaaciyey in maanta la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka.”

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

Go’aankaan waxaa la sheegay inay wada qaateen hey’adaha garsoorka iyo wasaaradda diinta, waxaana la beegsanayaa xubnaha baahiya muuqaalada anshaxa ka hor imaanaya, iyadoo laga bilaabay Bishaaro Idiris.

Gabadhaan ayaa lagu maxkamadeyn doonaa eedeymaha loo heysto, wuxuuna kiiskeedu noqonayaa mid ku cusub maxkamadaha dalka, dad badan ayaa dowladda uga mahadceliyey go’aankaan lagu dhowrayo dhaqanka.