Taliyaha ciidamada xoogga DALKA oo xilka laga xayuubiyay iyo mid cusub oo la magacaabay.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa ee maanta ay isugu yimaaden Golaha wasiirada Xukuumada Somalia ayaa lagu gorfeeyay arrimo farabadan oo la xiriira amuuraha dalka ka taagan.

Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa inta uu shirka socday golaha Wasiirada hor dhigay soo jeedin ku aadaneyd in xilka laga qaado Taliyaha Ciidamada Xooga lana magacaabo taliye cusub.

Gorfeyn dheer kadib ayaa waxaa kulankaasi xilka looga qaaday Taliyihii Ciidamada Militeriga Soomaaliyeed Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi ”Indha-Qarshe”.

Xilka qaadista kadib ayaa waxaa isla kulanka lagu magacaabay Taliye cusub oo isagu bedeli doono Taliyaha iminka xilka laga qaaday.

Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa loo magacaabay Jen. Maxamed Aadan oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Militeriga dalka.

Golaha ayaa si rasmi ah u meel mariyay inta uu kulanka socday soo jeedinta Wasiirka difaaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com