Xeer ilaaliyaha qaranka oo soo bandhigay halka ay ku dambeysay dacwadda badda Soomaaliya.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan DF Somalia ay qoraalo iyo dukumiintiyo ku cadeyneyso la haanshiyaheeda qeybta ay Dowlada Kenya ka sheeganeyso Biyaha Somalia, ayaa waxaa mar kale arrintaasi ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in DF Somalia ay kalsooni ku qabto Maxkamadda caadaaladda ICJ, waxa uuna sheegay in kalsooni darida ay tahay mid ku eg Dowlada Kenya oo iyadu aan cadeyn u heysan inay leedahay Biyaha uu muranka ka taagan yahay.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in jawaab ay ka sugayaan Maxkamada islamarkaana ay jiraan xiriiro muuqda oo siyaabo kala duwan u dhexmara Maxkamada iyo DF Somalia.

Waxa uu soo hadalqaaday wararka sheegaya inuu dhamaaday xiriirka DF Somalia kala dhexeeya Dowlada Kenya, waxa uuna taasi ku sheegay mid muranka Biyaha aan saameyn doonin xiriirka labada dal.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay in dowladda Somalia ay xaq u leedahay , ka hadalka wax weliba oo ku saabsan dhulkeeda oo xad gudub ah, sidaa awgeedna aysan Dowlada Kenya waxba u arag dacwadaasi.

Baarlamaanka ayuu ku amaanay doorka ay ka qaateen ka hadalka arrinta la xiriirta muran badeedka u dhexeeya DF iyo Kenya.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in xubno ka tirsan DF Somalia oo aan loo idman arrimaha Badda ay faragalin ku sameeyaan dacwada iminka DF kala dhexeysa Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com